Saturday, August 1, 2015

Wax ka Ogow siduu u Dhacey Af-Duubkii loo Geystey Dayuuradii Lufthansa ee laga lahaa Dalka Jarmalka oo Soomaaliya laga Dejiyey Sanadkii 1977,kii


Wax ka Ogow siduu u Dhacey Af-Duubkii loo Geystey Dayuuradii Lufthansa ee laga lahaa Dalka Jarmalka oo Soomaaliya laga Dejiyey Sanadkii 1977,kii. ( Fadlan Walaal Aqri )
============================================================
Maalin Khamiis ah oo ku beegneyd bishii Oktobar 13,keedii sanadkii 1977,kii ayaa mar qura warbaahinta dunida ay tebisey in la af duubey Dayuurad ay leedahay shirkada Lufthansa ee dalka Jarmalka nuuceedu ahaa Boeing 737-230 duulimaadkeeduna ahaa LH 181 dayuuradaas oo ka soo kacday magaalada la yiraahdo Palma de Mollorca waxey ku socotey magaalada Frankfurt.
Sida warbaahinta caalamka ay u xaqiijiyeen maamulayaasha shirkada dayuuradaha Lufthansa waxaa Rakaabka dayuurada saarnaa ay dhamaayeen 86 qof iyo 5 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda waxaana duuliye ka ahaa nin la yiraahdo Jürgen Schumann.
Afduubayaashii dayuurada waxey isku magacaabeen koox la yiraahdo "Commando Martyr Halime" waxaana ay xiriir la lahaayeen koox qas wadayaal ah oo ka jirtay dalka jarmalka loona yaqaaney "RAF Rote Armee Fraktion" iyadoo la sheegay in Nin madax ka ahaa maafiyadaas ama burcadaas oo laga xiray darteed ay dayuurada u afduubeen iyagoo ku Hanjabayey in haddii aan la sii dayn ninkaasi ay dili doonaan dhamaan Rakaabka saarnaa diyaarada.waxeyna afduubayaasha ay kala ahaayeen 2 qof oo u dhashey Falastiin iyo 2 qof oo u dhashey Lubnaan.
Markii af duubka uu dhacey ayaa qolooyinkii af duubayaasha ahaa waxey ku amreen duuliyihii in uu dayuurada ka dejiyo Jasiirada Qubrus waxaase Duuliyihii uu u sheegey in uusan haysan shidaal ku filan oo ay ku tagaan Jasiirada Qubrus uuna ku qasbanyahay in uu magaalada Roma ee dalka Talyaaniga uu ku dego sidii ayeyna yeeleen.
Dayuuradii magaalada Roma shidaal bay ka qaadatay kadibna waa ka duushay waxeyna ay dagtay Qubrus saacaddu marka ay ahayd 8:28 Fiidnimo hase yeeshee saacado yar ka dib waa ka duushay qubrus waxeyna u jihaysatay magaalada Bayruut ee dalka Lubnaan waxaase dhacdey in loo diidey magaalada bayruut iney ku soo degto ka dibna dhawr wadan ayey sii martey waxaana markii dambe ay ku degtey magaalada Cadan ee dalka Yeman xaalad deg deg ah darteed waxaana taariikhdu ay ku beegneyd bishii Oktober 17,keedii sanadkii 1977,kii. iyadoo saacado ka dib u soo Jiheysatey Caasimada soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho waxaana ay Garoonka dayuuradaha muqdisho dayuurada la af duubey ay soo caga dhigatey 6:20 daqiiqo ee Aroornimo.dawlada Soomaaliya waqtigaas waxa ay ku jirtey abaabulka dagaalkii dhex marey dalka Ethopia.
Xukuumada Jarmalka markii ay xaqiiqsatey in dayuuradoodii laga dejiyey dalka soomaaliya waxey markiiba si deg deg ah u soo magacawdey Nin khabiir ah oo arimaha wada xaajoodka ku fiican Ninkaas oo lagu magacaabayey Jürgen Wischnewski.
Labada dawladood ee Jarmalka iyo Soomaaliya saraakiil ka kala socotey markii ay wada hadleen qiimeeyeena xaalada dayuurada la af duubey waxey ugu dambeyntii isku raaceen in la diyaariyo Ciidamo Kumaandoos ah ee sida gaarka ah u tababaran kana hortagga argagixasada kuwaasoo ka kala socday dalalka soomaaliya iyo jarmalka.
Hawl galka dayuurada lagu soo furanayey ee ay sida wadajirka ah u qaadeen ciidamada kumaandoska somaliya iyo jarmalka waxuu bilowdey saacada magaalada muqdisho markey aheyd Labadii habeenimo waxuuna hawlgalku socdey ilaa Afartii Habeenimo waxaana la dilay sedex af-duubayaal hal dhaawacmey oo nolol lagu qabtay, hal qof oo shacab ah oo dhintay iyo qof shacab ah oo dhaawacmey waxaana hawlgalkaas ay wada fuliyeen ciidamada kumaandooska somaliya iyo jarmalka lagu soo Bad-baadiyey 85 qof oo Rakaabkii ah iyo Afar qof oo shaqaalihii dayuurada ahaa waxaana hawlgalku uu ku dhamaadey si Guul ah.
Markii uu dhamaadey Hawlgalka ay sida wadajirka ah u sameeyeen ciidamada kumaandooska geesiyeyaasha ah ee soomaaliyeed iyo kuwa jarmalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho tagey
Madaxwaynahii hore ee soomaaliya alaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, Madaxweyne Ku xigeenadiisii Maxamed Cali Samatar iyo alaha u naxariistee Xuseen Kulmiye Afrax iyo qaar ka mid ahaa Golahii wasiirada ee xukuumadii Kacaanka waxeyna aad ugu farxeen Ciidamada Kumaandooska soomaaliyeed oo kaalin Libaax ka qaatey soo furashada dayuurada laga lahaa dalka jarmalka ee af-duubayaashu ay kasoo dejiyeen magaalada muqdisho.
Saxaafada dalka Jarmalka oo maalmo dhan ka hadleysey sida uu u guuleystey hawl galka ka dhacey soomaaliya ee dayuuradooda lagu soo furtey ayaa waxey xustey in dawlada Jarmalka ay cadeysey iney weligeed Abaal weyn u heyn doonto xukuumada iyo shacbiga soomaaliyeed waxaana waqtigaas aad u sii xoogeystey xiriirkii u dhaxeeyey soomaliya iyo Jarmalka.

Xigasho Cabdullahi Colombo

No comments:

Post a Comment