Saturday, August 1, 2015

Wax ka Ogow siduu u Dhacey Af-Duubkii loo Geystey Dayuuradii Lufthansa ee laga lahaa Dalka Jarmalka oo Soomaaliya laga Dejiyey Sanadkii 1977,kii


Wax ka Ogow siduu u Dhacey Af-Duubkii loo Geystey Dayuuradii Lufthansa ee laga lahaa Dalka Jarmalka oo Soomaaliya laga Dejiyey Sanadkii 1977,kii. ( Fadlan Walaal Aqri )
============================================================
Maalin Khamiis ah oo ku beegneyd bishii Oktobar 13,keedii sanadkii 1977,kii ayaa mar qura warbaahinta dunida ay tebisey in la af duubey Dayuurad ay leedahay shirkada Lufthansa ee dalka Jarmalka nuuceedu ahaa Boeing 737-230 duulimaadkeeduna ahaa LH 181 dayuuradaas oo ka soo kacday magaalada la yiraahdo Palma de Mollorca waxey ku socotey magaalada Frankfurt.
Sida warbaahinta caalamka ay u xaqiijiyeen maamulayaasha shirkada dayuuradaha Lufthansa waxaa Rakaabka dayuurada saarnaa ay dhamaayeen 86 qof iyo 5 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda waxaana duuliye ka ahaa nin la yiraahdo Jürgen Schumann.
Afduubayaashii dayuurada waxey isku magacaabeen koox la yiraahdo "Commando Martyr Halime" waxaana ay xiriir la lahaayeen koox qas wadayaal ah oo ka jirtay dalka jarmalka loona yaqaaney "RAF Rote Armee Fraktion" iyadoo la sheegay in Nin madax ka ahaa maafiyadaas ama burcadaas oo laga xiray darteed ay dayuurada u afduubeen iyagoo ku Hanjabayey in haddii aan la sii dayn ninkaasi ay dili doonaan dhamaan Rakaabka saarnaa diyaarada.waxeyna afduubayaasha ay kala ahaayeen 2 qof oo u dhashey Falastiin iyo 2 qof oo u dhashey Lubnaan.
Markii af duubka uu dhacey ayaa qolooyinkii af duubayaasha ahaa waxey ku amreen duuliyihii in uu dayuurada ka dejiyo Jasiirada Qubrus waxaase Duuliyihii uu u sheegey in uusan haysan shidaal ku filan oo ay ku tagaan Jasiirada Qubrus uuna ku qasbanyahay in uu magaalada Roma ee dalka Talyaaniga uu ku dego sidii ayeyna yeeleen.
Dayuuradii magaalada Roma shidaal bay ka qaadatay kadibna waa ka duushay waxeyna ay dagtay Qubrus saacaddu marka ay ahayd 8:28 Fiidnimo hase yeeshee saacado yar ka dib waa ka duushay qubrus waxeyna u jihaysatay magaalada Bayruut ee dalka Lubnaan waxaase dhacdey in loo diidey magaalada bayruut iney ku soo degto ka dibna dhawr wadan ayey sii martey waxaana markii dambe ay ku degtey magaalada Cadan ee dalka Yeman xaalad deg deg ah darteed waxaana taariikhdu ay ku beegneyd bishii Oktober 17,keedii sanadkii 1977,kii. iyadoo saacado ka dib u soo Jiheysatey Caasimada soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho waxaana ay Garoonka dayuuradaha muqdisho dayuurada la af duubey ay soo caga dhigatey 6:20 daqiiqo ee Aroornimo.dawlada Soomaaliya waqtigaas waxa ay ku jirtey abaabulka dagaalkii dhex marey dalka Ethopia.
Xukuumada Jarmalka markii ay xaqiiqsatey in dayuuradoodii laga dejiyey dalka soomaaliya waxey markiiba si deg deg ah u soo magacawdey Nin khabiir ah oo arimaha wada xaajoodka ku fiican Ninkaas oo lagu magacaabayey Jürgen Wischnewski.
Labada dawladood ee Jarmalka iyo Soomaaliya saraakiil ka kala socotey markii ay wada hadleen qiimeeyeena xaalada dayuurada la af duubey waxey ugu dambeyntii isku raaceen in la diyaariyo Ciidamo Kumaandoos ah ee sida gaarka ah u tababaran kana hortagga argagixasada kuwaasoo ka kala socday dalalka soomaaliya iyo jarmalka.
Hawl galka dayuurada lagu soo furanayey ee ay sida wadajirka ah u qaadeen ciidamada kumaandoska somaliya iyo jarmalka waxuu bilowdey saacada magaalada muqdisho markey aheyd Labadii habeenimo waxuuna hawlgalku socdey ilaa Afartii Habeenimo waxaana la dilay sedex af-duubayaal hal dhaawacmey oo nolol lagu qabtay, hal qof oo shacab ah oo dhintay iyo qof shacab ah oo dhaawacmey waxaana hawlgalkaas ay wada fuliyeen ciidamada kumaandooska somaliya iyo jarmalka lagu soo Bad-baadiyey 85 qof oo Rakaabkii ah iyo Afar qof oo shaqaalihii dayuurada ahaa waxaana hawlgalku uu ku dhamaadey si Guul ah.
Markii uu dhamaadey Hawlgalka ay sida wadajirka ah u sameeyeen ciidamada kumaandooska geesiyeyaasha ah ee soomaaliyeed iyo kuwa jarmalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho tagey
Madaxwaynahii hore ee soomaaliya alaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, Madaxweyne Ku xigeenadiisii Maxamed Cali Samatar iyo alaha u naxariistee Xuseen Kulmiye Afrax iyo qaar ka mid ahaa Golahii wasiirada ee xukuumadii Kacaanka waxeyna aad ugu farxeen Ciidamada Kumaandooska soomaaliyeed oo kaalin Libaax ka qaatey soo furashada dayuurada laga lahaa dalka jarmalka ee af-duubayaashu ay kasoo dejiyeen magaalada muqdisho.
Saxaafada dalka Jarmalka oo maalmo dhan ka hadleysey sida uu u guuleystey hawl galka ka dhacey soomaaliya ee dayuuradooda lagu soo furtey ayaa waxey xustey in dawlada Jarmalka ay cadeysey iney weligeed Abaal weyn u heyn doonto xukuumada iyo shacbiga soomaaliyeed waxaana waqtigaas aad u sii xoogeystey xiriirkii u dhaxeeyey soomaliya iyo Jarmalka.

Xigasho Cabdullahi Colombo

Monday, July 20, 2015

Qoraaga Hassan Ali Dhaaley oo Qalinka u qaatay Sheeko uu ku dhiirigelinaayo Booliiska Soomaaliya.


         
Intuu Sigaar jeebka kala soo baxay ayuu hal gacan ku qabtay Isteerinka Fatuuraddii uu watay dabadeedna wuu shittay, waxaa gudihiisa rasteysan raashin uu si xad dhaaf ah u soo cunay, aad buu ugu raaxeysanayaa Sigaarka! Calooshiisa kuusanna Neefta Sigaarka ayay la ciyaareysaa,qaanadda yar ee hortiisa ah ayuu saartay baakatkii!Cajalad dhowaan soo baxday ayuu ku tuurtay,markaas baa baabuurkii isla dannanay, qiiqa sigaarkuna baabuurka ayuu dhex wareegayaa sidii wershad birta shubta ,waxaa uu ku socdaa xawaare sareeya, haddase waxaa uu u soo beyray jid yar oo waa inuu qaboojiyaa socodka balse muddo kadib waxaa uu mar kale ku wareegi doonna jidkii weynaa ee gelayay magaalada uu rabo.


Dhinacyada waddada waxaa qotoma tilmaamayaal iyo amaro la siinayo gaadiidka si ay xawaaraha u dhimmaan ama u kordhiyaan, waxaa sidoo kale dhulka oo dhan ku shaqlan dhirta cagaaran oo looga faa`iideysto siyaabo kale oo lagama maarmaan u ah nolosha aadanaha halkaan ku nool. Magaaladan uu socdo waa mid ka balaaran tuulada uu degan yahay, waxaa uu ka doonayaa adeegyo kala duwan,intuu madaxa ruxayay ayuu ka war helay gaarigii oo saacaddiisii ay dhanka eberta si xawli ah ugu sii siqeyso, markiibana Joojiyaha ayuu qabtay, kursigii ayuu isku dhereriyay, neef weyna waa soo afuufay! xoogaa ayuu eeg eegay saacadda shidaalka,waxba kama arkin dheeri ah, waxaa uu damcay inuu kiciyo laakiin wuu u shidmi waayay,lugta ayuu sheelaraha ku cadaadiyay “ isbeddel ma malahan“


Muraayaddii gaariga ayuu dejiyay, waxaa dhegtiisa ku soo dhacay dhawaaqa shimbiraha oo kaliya, albaabkii ayuu iska furay,bannaanka ayuu istaagay,gacmihiisana sibraha ayuu ku qabsaday kadibna intuu dhinacyada fiir fiirshay ayuu intuu ku rogmaday daaqaddii gaariga la soo baxay xabad sigaar ah oo kale, baf ayuu siistay! Waxaa uu ka fikirayaa hadda waxa uu sameyn karo, fatuuradda ayuu gadaal iyo horayba ka eeg eegaya,wuxuu go`aansaday bal inuu hubiyo inta shidaal ugu jirta!! See gojo’ba malahan!! Maxaa talo ah! ayuu is weydiiyay, qeybta dambe ee gaariga ayuu aaday, waxbaa gadaashiisa miriq ku maray!! ma shimbirbaa!! ma dad baa!! isagu waxba ma sharraysan,illowse hoos gudbay wuu arkay!wuxuu u qaatay Haad geed ka duulay hooskiis,, caag tobbanle ah ayuu gadaal kala soo baxay,, waxaa uu doonayaa inuu shidaal magaalada ka soo iibsado.


Markii Uu bilaabay inuu dhaqaaqo ayaa dhegtiisu waxaa ay soo daftay qeylo nuuc kale ah oo ka imaaneysa dhankiisa midig ee qoraxduna u sii liiceyso, dareenka ugu weyn ee ku abuuran waa sidii uu fatuurad kuuseydan u kicin lahaa,,Jidkii ayuu afka saaray, wuxuu maqlayaa codka ka soo baxaya kabaha buudka ah ee uu xiran yahay oo kali ah,,goobtu waa cidlo! gabalkaa sii dumaya, mugdi baa soo cartamaya!, dabeyl yarna waa ay duulduuleysaa oo hugunkeedu waxaa uu luxayaa laamaha geedaha faraha badan ee dhulkaan camiray.


Sidii uu u socday ayuu ka war helay isagoo lugihiisii ay samada aadeen!!! ”yaa dafay!!!waxaa uu ku dhacay god weyn oo laamiga dhiniciisa ahaa,waa god dhowr mitir ah, intii uu sii shalwanaayay ayaa feerahiisa waxaa murxiyay laamo dhaadheer oo godka hareerihiisa si dabiici ah uga soo baxay,,dhiig ayaa ka soo circiraaya, gunta hoose markii uu ku xasilay,waxaa uu shiday taraqii jeebka ugu jiray, waxaa uu arkay Xagatimo waaweyn iyo dhaawacyo soo gaaray. Kor ayuu si quusi ku jitro u eegay, waxaa uu arkay afkii godka oo u muuqday Goobo weyn iyo iftiin yar oo bannaanka ka jira oo la moodo Dayax bari ka soo baxaya…Muxuu sameyn karaa!!! “waxba“ gudcurkii ugu badnaa noloshiisa ayuu la kowsaday!


Taraqa illaa 15 xabbo ayaa ugu jirta, waxaa uu ku fekeray sidii uu uga bixi lahaa godkaan ciriiriga ah,waxaa uu qab qabsaday laamihii isku xirnaa ee godka iyo dibedda ka soo laadlaaday, balse waa ay la soo ruqayaan,mid kale ayuu ku booday markuu dhex sii marayo ayay haddana la soo go`day, waxaa uu ka shalaayay Kabaha waaweyn ee uu wato,waxaa uu is yiri“iska bixi culeyskooda“ haddana waxaa uu niyadda iska yiri“ Sow lagama yaabo inay masas waaweyn ay halkaan ku jiraan“ Haa “ run baad sheegtay “ ayaa dareenkiisa qalbiga ahi ku yiri`.


Waa uu fariistay, labadiisa lugood ayuu soo laabtay dabadeedba isi saartay sidii arday reer qur`aan u aqriyay markii ugu horeysay oo macalinkiisuna wehliyo,sugayana natiijadda ama jawaabta ay bixin doonaan reerka ay martida u yihiin,daqiiqad kadib ayuu gacantiisa midig dhulka dhigay si uu u ogaado xaalka sagxadda Godka,waxaa gacantiisu maquurtay xash tiro beel ah oo dabaqyo la moodo,,waxaa kaloo uu dareemay bohol weyn oo sii qodan,waa mid ka sii balaaran middan,derbigii u dhowaa ayuu dhabarka la aaday,,xoogaa yar kadibna waxaa uu taabtay wax qaboow badan oo jil jileecna ah,kuuska kuuska dhogorta shukumaankana leh, intuu si tartiib ah gacantii u soo ceshtay ayuu taraqii bul ka siiyay, see waa mas weynaaday oo sidii garaangar isku duudduuban oo madoow, madaxana calaamad yar oo cad ku leh.


Waxaa uu dareemayaa mashaqadii adduunka ugu weyneyd,waxaa uu ka shakiyay in mas madoobuhu uu maqlo garaaca wadnihiisa! Kadibna daalac loo soo raacdo,,qoorta iyo garbaha ayuu is gashaday …derbigii carada ahaa ayuu isku sii nabbay! Intuu garka kor u qaaday ayuu eegmo miskiinnimo ah ku fiiriyay Afkii godka..cid ma joogta oo ku caawisa malahan miyaa? Ayuu is weydiiyay ’’ma halkaan ayaad ku dhimman doontaa’’ ayuu ku walaacay,intuu isla hadalkaa ku jiray ayaa shey aad u culus ka yimid Bannaanka, siduu dangararaf u soo lahaa ayuu wejiga uga dhacay kadibna Ciiddii yareyd ee sagxadda ahayd ayaa is raacday oo sii hoobatay…waxaa lagu dhacay God aad u weyn oo mugdi ah, cidina waxba ma aragto, waxaa uu dareemayay maskii iyo halaq kale oo mid weliba jihadii uu rabay ka sii quusaya mugdiga.


Aaway Musigii hadda shidnaa iyo ifafaalihii qurxoonaa ee noloshu lahayd? Waxaa uu shiday taraqii, waxaa uu arkay Santuuq bir ka sameysay oo agtiisa yaala, waxaa kale uu arkay albaab hortiisa ah, waa albaab ka sameysan Biro xaddiid ah oo waaweyn oo is dhaaf dhaafsan, waxaa ka muuqda daxal iyo habbaas baahsan! Santuuqa halkaan yaala, waxaa dulsaaran oo guri ka dhigtay Caarocaaro, Buulka Caaradu waxaa uu tixan yahay illaa saqafka sare ee guriga oo ay ka soo laadlaadaan Feynuusyo dhowr ah oo waa hore dunnida laga isticmaali jiray. Waxaa se xusid mudan in Faraanti saaran yahay Sanduuqa dushiisa.


Waxaa uu kor u qaadayaa Gaanjadii santuuqa, culeys badanaa ayuu is yiri…Waxaa uu dareemay qoyaan ka soo dareeraya wejigiisa, gacanta ayuu hal haleel isaga mariyay,waa wax ka duwan roob, markaas buu uriyay’’alla ur weynaa’’ ayuu iskula hadlay, Mirihii taraqa laftoodii oo ka sii idlaanaya,ayuu shidayaa xabadihii ugu dambeeyay,waxaa uu arkay in waxani yihiin Dhiig!!!, waxaa uu milicsaday wixii la soo tuuray oo santuuqa ag yaala’’ alla hayaay!!! Waa lug Bini’aadan!!! Waa lug Qof Dumar ah!!!! Ma qabri ayaan hoos galay??? Seddax mir oo taraq ah ayaa u hartay waqtigaan, mid ka mid ah ayuu shiday si uu u hubiyo waxa dhex daadsan santuuqan culus, waxaa uu arkay qalfoof bini’aadam oo saf saf loo habeeyay, waa madaxyo isku wada eg ood mooddo inay wada dhasheen misna wada qoslaya, laf dhabartii, lugo iyo gacmo wadajira ayaa yaala meesha, illeyn bini’aadanku waxaa uu ku kala duwan oo lagu gartaa waa hilibka saaran ee haddii uu dubku dhaco waa isku nooc!!!


Cabsidii adduunka ayaa soo food saartay,waxaa uu gacanta ku baadi goobayaa maro ama shey uu shito si mirta ugu danbeysa ee Taraqa ay ugu badbaaddo…Waxaa uu helay maro miitmiidantay oo bus isku beddeshay kadibna iyadii ayuu daartay,,,wax badan oo halkaan uga qarsanaa ayuu isha la sii raacay, waa maxay adduun nuucaan ah? Ayuu iskula hadlay….islamarkii waxaa uu maqlay cod uga imaanaya xaga albaabkii, ma ahan cod la garan karo…waxaa uu bilaabay inuu demiyo dabkii yaraa ee u baxayay si aan loo garan!!! Hadda jawigu waa Mugdi, qeyladii iyo socodkii uu dareemayna sooma socdaan.


Xagga u gurguuro oo miis madaxa qac ku sii, soo laabo oo halkaada fadhi ayuu ku jiraa,waxaa kellida ka haya,wax la moodo daboolka kore ee Miis yar oo loogu tala galay in kaffeega iyo shaaha lagu cabo balse gaboow dartii kala daatay, sidaas ayay isaga la tahay. Xoogaa ka bacdi ayuu bilaabay in labadiisa gacmood uu si wadajir ah dhulka ugu cuskado si uu hal tilaabo meel u jirta ugu ribto, shanqarta ayuu iska ilaalinayaa,iyadoo hawada uu ka nuugayo naqaska huursan. Urta silloon ee goobtan ka jirta waxaa ay ka gudubtay sankiisii dheeraa, iyadoo u sii socota dareenka carabkiisii qalaleylka ahaa.


Muuqaalkii ugu danbeeyay markii uu iftiinka iska deminayay waxaa ka mid ahaa: alaab isku xir xiran oo jawaanno ah oo dhowr tillaabo u jirta,taasoo dhankiisa midig is dul rasteysan, dhankaas waxaa ka yeeraya dhawaaqa iyo orod ka baxaya Dooliyaal badan,iyagu waxaa ay ku jiraan xaalad ka duwan tiisa, waxaa laga yaabaa inay yihiin reer waagu u beryay oo u diyaar garoobaya nolol maalmeedkoodii caadiga ahaa,, waxaa laga yaabaa in jiiq jiiqda Dooliga ee uu hadda maqlayo ay tahay ’’ maammadii dooliyaasha oo u yeereysa kan ugu yar ilmaheeda si ay raashin u siiso kadibna intay u lebisto, dhahaysa’’ Hooyo xaafadaha hoose ha aadin ee gododkaan aan codkaada ka maqli karo iigu dheel dheel’’ isna uu leeyahay ’’haye, maamo,taas igu halleey, iyadoo laga yaabo inuu rabo xaafad dheer oo ay joogaan saaxiibadiis.


Waxay ila tahay in waannada iyo wax isku sheeggu uusan ku koobneyn bini’aadanka oo kali ah, balse uu jiro dareen ku abuuran noolaha oo idil, kaasoo qeyb weyn ka qaata baraaraha hab nololeedkooda.Waxaan hubbaa in noole ka simman yahay xanuunka tiiraanyada geerida iyo dareenka baahida iyo quud raadsiga,mana jiraan waqtiyo u gaar ah raacdada nolosha, waa sidii tareen xiimaya oo qofiba meel ka saaran yahay xilliyo kala duwan. Qaar baa boholuhu u yihiin qasriyo lagu nasto, qaar baa meel aan u dheereyn abaaro lagu salliday la amakaagsan, isla deegaano kaabiga isku hayana loogu nool yahay ayaa siyaabo aad u kala geddisan. Badar iyo barwaaqo iyo baas iyo harraad ayaa caado dureerta u ah dunnida.


Si aan ahayn deg deg ayaa albaabkii loo soo furayaa,qaf qaftiisa ayaa baxaysa, sida albaabkaan loo furayo u ekaa, ’’dhuumaleysi iyo tuugannimo’’ ayuu is leeyahay, waxaa uu u toog hayaa, waxa xigaya, aragtida indhihiisa ayuu feejignaan geliyay,derbigii ayuu ku sii taxoobsaday! Waxaa soo galay qof hadlaya oo carabkiisuna aad u culus yahay ,albaabka agtiisa ayuu wax ka haabhaabtay ’’Ah ah, hAaa’’ intuu yiri,, ayuu feynuus aan iftiin badan lahayn daaray, Siddada ayuu qabsaday, dhinacaas iyo dhinacaas kale ayuu wada fiirshay, markaas buu,,miciyo dhaadheer intuu kor u taagay qoslay’’oOohahha,Aaahha’’ lugta bidix ayuu jiidayaa, waa oday waayeel ah oo timuhu caddaadeen,waxaad mooddaa in wejiga looga daadinayay Deeb’’dambas’’ Feynuustii ayuu ka soo laadlaadiyay musbaar derbiga laga soo galo u dhow,,’’HaAautsh’’ ayuu yiri,, Xoogaa yar kadib ayaa albaabkii la soo riixay, waa gabar dhalinyaro ah oo kabo buud ah wadata, taasoo jiideysa boorsooyin seddax ah oo mid yari ka mid tahay,,duqii ayaa caawiyay oo albaabka si fiican ugu balaqay kadibna hoosta ayaa qartatab laga siiyay,,,Duqii ayaa feynuustii Soo qaaday kadibna waxaa bilaabatay in boorsooyinkiii la fiiriyo! Maxaa ku jira ayay kula tahay!! Waxaa markii ugu horeysayba ka soo muuqday boorsooyinkii waaweynaa lugo dadeed iyo madax, tin dheer oo yaleex leh, waa tin madoow oo dhiiggii ku daadatay uu ku qalalay, waxaa kaloo ku jira dhar isna dhiiggii ku qalalay iyo shaash ’’Safaleeti’’ madaxa dumarku saartaan oo carrun leh!!! Miiska yar hoostiisa oo ay taaley boorsadii yareyd intay miiska saartey ayay si hamuumi ku jirto u furtay gabadhu, waxaad mooddaa, ruux fitimmiin C-gu ka maqan yahay oo liin la tusay,,dhareer ayaa ka soo daadanaya bushimaheeda engegan ee qolfuhu saaran yihiin,, ’’Waa ilmo yar oo malaha ku noolaa caloosha haweeneyda xubnaheedii la kala waaxay’’ ayuu ku fekeray,madaxa ayay isla ruxeen labadoodii,waxa ay la noqotay in gabadhu ay tahay dhagool waayo illaa hadda madaxa iyo gacmaha ayay ku wada hadlayaan, mise waa qaab ka mida habka noloshooda ay u dhisan tahay? Bal adba!


Duqii ayaa aaday dhankii jawaanadu ay ku rasteysnaayeen,laba jawaan dhexooda ayuu ka soo siibtay Baangad madoobaatay, waxaa uu rabaa inuu ku jarjaro xubnahan halkan yaala,balse waa uu hinqaday! Jug weyn ayaa yeertay! Oo maxaa dhacay? Fanniin iyo carro ayaa dhankii albaabka ka soo duushay!!! Dabadeedna uuro ayaa kacday,indhihii ayaa duugmay! Gacantiisa midig ayuu la aaday oo deg deg u iskaga jafay! Cod dhiirran baa la maqlay! Waa kuma! Waa kuwee!!!Iftiin baa soo galay!!!Banaankana ileys la moodo hilaac ayaa wililig leh! Hoon baabuur ayaa dhowr goor yeeray! Gurigii ayaa maalin cad noqday! Rag isku dhar xiran oo hubeysan ayaa soo galay! Indhaha ayaa u xiran oo lama aqoonsan karo wejiyadooda,,waxaa se Shafka ugu qoran ’’ Booliiska Soomaaliya’’ Tooshash iftiin badan soo butaacaya ayay wejiyada uga qabteen’’ ha is dhaqaajinina ’’ ayay amar ku bixiyeen…waxay markiiba la boodeen Odaygii iyo Gabadhii, cududaha ayay ka qabteen…Gabadhu waa ay is waaleysaa balse way hantaataqiyeen dabadeedna Katiinad ayay laba dible ugu xireen!!!Dan looma gelin lugtii uu odaygu ka dhutinaayay ama dhaawacaba ka ahayd, waa kaas lagu qasbay inuu si xayyi ah u socdo… Mid ka mid ah raggii ayaa yiri’’ Meydadka ha la soo aruursho degdeg! Taliye halkaan waxaa yaala qof dumar ah iyo ilmo sabbi ah oo qura!mid ka mida askartii ayaa ku hadaaqay! Taliyihii ayaa sheegay in la baaro dhammaan santuuqyada halkaan yaala!Taliyuhu waa nin dheer oo laba lafood ah, Waxaa kaloo uu yiri’’ Ma aragtaan meydka wadihii fatuuradda Gadaal laamiga ah taala’?’ Waxaa uu la soo booday’’ Waa i kannaa weli waa noolahay iyo oohin’’…’’WABBAA’’ Waad i badbaadiseen ayuu ku cataabay, dabadeedna intay garbaha qabteen ayay u yeereen baabuurka gargaarka degdegga ah,Waxaa albaabka soo galay labo qof oo dumar ah oo ku lebisan dhar cad cad, (Waa kalkaalisooyinkii caafimaadka)markii uu fuulay gaadiidka deg degga ahaa, ayaa darawalkii ambulaastu waxaa uu taabtay badhan hortiisa ah, kadibna waxaa uu maqlay cod dheer oo baabuurta kale looga digayo in ay seed bixiyaan… oo ay wada banneeyaan jidka! Waxaa uu jiifaa sariirtii ambulaasta, waxaana gacanta bidix looga duray faleebo…Madaxiisa ayuu wax yar kor u soo qaaday, waxaa uu arkay baabuur fara badan oo yar yar oo soo daba socota iyo baabur weyn oo soo xambaaray fattuurad kuuseydiisii oo uu yaqaano…Niyadda ayuu ka farxay,madaxiisiina waa uu soo celiyay,si caadi ah ayuu iskugu kala bixiyay sariirtii dhuubneyd,waxaa uu milicsaday kalkaaliso la soo baxaysa faashad nadiif ah oo wejiga uga tirtireysa,,iyo mid kaloo koob ku shubeysa biyo nadiif ah oo qaboow si ay afkiisa ugu qabato,waxayna wadataa koofiyad calanka buluuga ah ee Soomaaliya,,,isagoo cabsi ka madax bannaan ayuu sii seexanayaa hadda.


Sheekadaaan waxaan u hibeeyay Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed kuwaasoo maalin iyo habeenba u taagan badbaadada shacabkooda dhibaateysan.


W/Q Hassan Ali Dhaaley

Dhammaad

Saturday, July 11, 2015

Maxaa ka cusub magaalada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan? AQRISO.


20 bishii January ee sanadkan 2015 waxaa magaalada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan xasaanadii looga qaaday gudoomiyaha Buuloburte iyo duqa magaalada,kadib markii lagu eedeeyay inaay lunsadeen raashin loogu talagalay shacabka magaaladaas.



Cabdicaziiz Duuroow Cabdi iyo duqa magaalada Cismaan Geedi Cilmi ayaa xil kaqaadista kadib waxaa lagaliyay xabsi kuyaala Magaalda Buuloburte ee Gobolka Hiiraan,waxaana eedeeytan soojediyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaliya.


Madaxdan ayaa waxaa lasii daayay shalay oo ahaayd maalin jimca ah,waxaana loosheegay in aaysan wax dambi ah aaysan lahaayn.


Duqa magaalada buuloburte oo aan telfoonka kula hadlay ayaa iisheegay in lasii daayay markii lagu waayay inaaysan wax dambi ah aaysan lahaayn,waxaana uu intaa ku daray in markii horaba lagu eedeeyay wax sida uu sheegay aanan suuragal ka noqoneeyn oo ahaa inaay dheceen raashin dad masaakiin ah aay leeyihiin.


Sida aan warar hoose ku helnay waxaa sii deeyntan aad ugu lug lahaa taliyaha ciidanka Djabuuti ee howlgalka ujooga G/Hiiraan K,Cismaan Dubad,oo lasheegay inuu waayay wax horu socod ah oo kajira degmada.


Madaxdan oo dhoowr bolood ku xirnaa magaalada buuloburte ayaa waxii xiligaa kadambeeyay gaabis xoogan uu kuyimid howlihii maamul ee kasocday degmadaas.



W/Q, Cabdirisaaq Al-cadaala

Tuesday, June 23, 2015

Qormo aan jeclaaday: Saaddiq iyo Samatar...Qoraa Yuusuf Garaad

Qoraa Yuusuf Garaad: Laban nin oo aan saaxiib nahay ayaa isku dhacay oo Telefishinka hortiisa khilaaf ku dhex maray. Haddii aan adeegsado afka ciyaalka xaafadda, col ayay kala goosteen.

Waa Saaddiq Warfaa iyo Prof. Axmed Samatar. Waxay is qabteen, ka dib markii uu Saaddiq Warfaa oo daaddihinayay Doodda Fagaaraha uu damcay in uu joojiyo Prof. Samatar oo hadalku dhexda u marayo.

Dooddu waxay ka dhacaysay Mareykanka waxayna ku saabsanayd Aayaha Somaliland. Saaaxiibbo aan badneyn ayaa i weydiiyay sida aan u arko iyo labada midka khaladka leh.

Anigu labada midna lama hadal. Cid kale oo goobjoog ahaydna lama hadal. Waxa aan wax ka dhihi karaa waa keliya waxa ay isha Kaameradu ay i tustay. Oo dabcan lagu kabay khibraddeyda qabanqaabada iyo hagidda doodaha iyo weliba aqoonta aan u leeyahay labada nin ee is qabtay.

Sababta aan uga hadlayaa ma aha iyaga in aan barteyda ugu garnaq is leeyahay. Waa in aan hagidda doodaha iyo weliba ka qeyb qaadashadeeda aan wax uga bidhaamiyo weriyayaasha Soomaaliyeed kuwooda aan ku doobba dillaacsan iyo dadweynaha guud.

Waxaan tusaale u soo qaadanayaa dhacdadan oo dad badani ay saxaafadda bulshada ku hadal hayaan. Waxaan soo qaadi doonaa waxa aan arkay, sax iyo khalad waxa meesha ka dhacay sida aan u arko iyo waxa aan is leeyahay waa loo baahnaa in ay dhacaan.

Marka hore aan tilmaamo Saaddiq iyo Samatar iyo Fagaaraha inta aan ka aqaan.

Saaddiq Warfaa oo aan isku barannay Muqdisho, waa nin maskax furan oo dadaal weyn haya. Wuxuu isu xil saaray in uu qaban qaabiyo doodo laga sii daayo TV iyo Youtube. Doodayaasha waxaa mar kasta wehliya dadweyne goobjoog ah oo doodda uga qeyb qaata sacab, su’aalo iyo falcelis. Doodihiisuna waa kuwo macna sameynaya oo in badan oo naga mid ah u ifiya hadba mowduuca la gorfeynayo.

Aniga wuxuu hadda ka hor igu casuumay oo aan kala qeyb galay Fagaaraha 8aad oo Muqdisho lagu qabtay.

Howsha uu wado oo aan culeyskeeda qiyaasi karo darteed, waan ku dhiirri geliyay dadaalkiisa, waxaanna u sheegay in wixii uu gacan iiga baahdo xag aqoon iyo farsamo aan diyaar ula ahay.

Prof. Samatar, waa aqoon yahan bad ah. Codkar hadalyaqaana ah. Shaqo ka billaabay weriyennimo. Macallin iyo cilmi baare ah oo dooddiisu ay xubneysan tahay.

Barnaamijyo aad u tiro badan iyo wareysiyo ayaan wadayeelannay oo xataa mar isagu igu wareystay Bildhaan oo uu isagu Tifatire ka yahay.

Labadu waa niman is yaqaan, waxaana kuu muujinaya sida Samatar uu furitaanka hadalkiisa u ammaanay Saaddiq, oo uu ku tilmaamay ma-daale, arkaya sawirka weyn.

Sida ay wax u dheceen


Samatar oo shaashadda keligii taagan oo hadalkiisa bartamaha uga jira, hadalkana wuu ku raaxeystaaye ogow, ayaa Saaddiq soo garab istaagay, oo inta uu waraaq ka soo goostay buug meesha yiil, billaabay in uu qalin ku qoro xarfo afar igala badnaa igala badnaa. Markaas ayaan anigu wel wel billaabay.

Markii uu waraaqda hor dhigay, ayuu Samatar muujiyay in uu la yaabay, kana xanaaqay. Waxa waraaqda ku qoran isha Kameradu ma arag, waxaanse Samatar ka fahmay in ay ku qornayd STOP.

Samatar wuu aamusay oo aayar fariistay kursigiisa. In yar ka dibna wax buu soo gocday. Inta uu istaagay ayuu mikrofoon la’aan dadka ku wargeliyay in aanuu hadalkiisa dhammaysan. Laba nin ayaa halhaleel u soo istaagay. Saaddiq ayay si akhyaarnimo ah ugu khasbeen in uu u daayo in Professorku uu dhammeysto hadalkiisa.

Saaddiq wuu yeelay. Odayaashiina waxay Samatar ku soo celiyeen mikrofoonka.

Marka hore waraaqihiisa oo qaar dhulka ku dheceen ayuu soo urursaday, isu celceliyay oo si uu u simo salka miiska ugu dhuftay, asaga oo aad arkeyso in uu xaaladda qiyaasayo. Meeshii uu marayay ayuu goob goobay. Muuqaalka dhacayna ma ahayn mid qurxoon oo dabcan wuu saameeyay shucuurtiisa, sida aan qiyaasayana wuxuu kordhiyay garaaca wadnihiisa, oo isaguna kor u qaaday xawaaraha dhiiggiisu ku wareegayo xididdada.

Wuxuu hadalka ku billaabay, isaga oo Saaddiq ka hadlaya, “Dood culus ayuu noo abuurayaa, markaasaanuu garaneyn sida doodda loo maamulo”. “Ma ahan wax la aqbali karo” ayuu daba dhigay.

Axmed waxaa u soo baxday in sidii uu doonayay laga jiiray oo aanuu hadalka u sii wadi karin siiqadii iyo xalladdii looga bartay uguna ugu soo talo galay. Markaas ayuu cudur daartay oo wuxuu ku laabtay kursigiisii oo iska fariistay.

Dhowr jeer oo ay dadku su’aalo weydiiyeen, wuxuu ku gaabsaday in haddii uu dhammaysan lahaa dooddiisa, ay su’aalaha qaarkood jawaabtoodu ay halkaas ku jiri lahayd.

Mar dhexena wuu istaagay oo qolka ka baxay, isaga oo Saaddiq cod hoose ku yiri, wax aan u fahmay, “labadeenna wey noo kala dhammaatay”.

Maxay habboonaa in ay dhacaan?


Midig: YG, Xoosh, Faarax, Buubbaa, Saaddiq & Madeer.
Saaddiq waxay ahayd in uu marka hore ku soo adkeeyo ka qeyb galayaasha doodda in uu wakhtigu yahay lagama gudbaan, qof hal daqiiqad ku darsan karaana aanuu jirin. Welibana uu ku celceliyo oo u laqimo afarta doodaa inta aan goobta la soo fariisin. Marka ay fariistaan uu mid mid u xusuusiyo. Waa laga yaabaa in uu sidaa yeelay.


Waraaqda uu qorayo waxay ahayd in ay ahaadaan laba xaashiyood oo bixinaya digniino laba wakhti oo sii kala yar. Tusaale ahaan mid u sheegeysa in 5 daqiiqo ay u hartay, aakhirkana ay midda kale u sheegto in 1 daqiiqo ay u hartay. Jeebkana waa in ay ugu jirtaa daqiiqad amaba laba, haddii ay Baraka ma leh gaarto, uu ugu dari karo. Waxayna ahayd in waraaqahaas uu soo diyaarsado ka hor inta aan dooddu billaaban. Haddii uu illoobay, waxay qurxoonaan lahayd in uu ku qoro meel aan u muuqan qofka hadlaya.

Marnaba meesha ma aanay qaban aqoonyahan weyn oo arrin xasaasi ah ka hadlaya in mar qura STOP la soo hordhigo.

Midda saddexaad, marka uu Samatar carooday laakiin hadalka joojiyay oo  fariistay, Saaddiq wuxuu bixiyay raalli gelin guud. Wuxuu sheegay in uu xushmad u hayo Professorka iyo inta meesha fadhida, Meeshaas in uu arrinka ugu haro ayay ahayd. Ma habbooneyn in Samatar oo u marti ah, oo hadalku ku bargo’ay, oo careysan, uu ka daba-geeyo oo uu cashar ku siiyo mikrofoonka. “Caddaaladda waa loo baahan yahay in xataa Professerrada iyo qof kasta oo halkan taagani in ay fahmaan”.

Muranka, is jiijiidka iyo isu jawaabidda waxaa ku luntay in ka badan laba daqiiqo. Marka warbaahin laga hadlayana laba daqiiqo oo luntay ma ahan laba daqiiqo oo keliya ee waa wakhti aad uga badan.

Waxaa igala habboonayd in jawaabtu ay ahaato raalli gelin iyo u madax weyneyn Professorka oo oraneysa. Tusaale: aniguba waan jeclaa in aan sii dhegeysto Doodda Samatar, laakiin sidii aan billowgii barnaamijka idiin sheegay wakhti is le’eg ayaan u qoondeyay afarta doodaa. Waxaan rajeynayaa in gunaanadka iyo jawaabaha su’aaluhu ay u noqon doonaan fursad kale.

Samatar waxaan ku aqaan in uu weliba aad ugu wanaagsanaa dhowridda wakhtiga loo qabto. Ma ogi waxa ku dhacay. Wuxuu runtii muujiyay dulqaad xumo. Laakiin in uu wakhtigiisa dhowri waayay waxaa iiga muhiimsanayd sida aan qurxooneyn ee uu u dhaqmay oo martidii ka soo qeyb gashay iyo inta aan anigu ka mid ahay ee daawatay ay ugu hungoobeen. Welibana ay ku sigatay in dooddu ay burburto. Xataa haddii uu Saaddiq ka ba’naa, waxay ahayd in uu dadweynaha xushmeeyo, aragtideyda. Kelmadda uu goobta ka yirina ma habbooneyn lamana joogin golaheega.

Maxaa wanaagsanaa ee meesha ka dhacay?


Waa mar e, iyada oo doodaa miisaan leh uu meesha ka kacay, in haddana aan barnaamijku burburin ee uu halkiisii ka sii socday waxay ahayd wax aad u sarreeya. 

Taas waxaan ammaanteeda siinayaa waa marka koowaade, Maxamed Ismaaciil oo ay isku jaal ahaayeen Samatar oo Somaliland gooni isu taaggeeda ay qiil u sameynayeen. Wuxuu awooday in uu ka istaago isaguna. Laakiin muu sameyn ee wuxuu u bareeray in uu keligii u babac dhigo Prof. Xuseen Warsame oo ah aqoon yahan, xog ogaal ah, wax bandanna af iyo qoraalba ka yiri Soomaaliya, iyo Geeldoon, oo aad mooddo in dood lagu anqariyay, uuna ku takhasusay, ma ahan keliya, sida dadka wax loogu sheego ee ku darsaday sida dadka xamaasad loogu kiciyo.

Waxaa kale oo aan ammanteeda siinayaa ka qeyb galayaasha, waa inta ii muuqataye, oo aan buuq abuurin ee si deggan barnaamijka uga qeyb qaatay.

Dadaalka ugu weyn ee suurta geliyay in Barnaamijku uu gebagebadiisa gaaro iyada oo aan waxa dhacay loo istaagin waxaa iska leh, Saaddiq Warfaa, oo aan filayo in isagana uu dhiiggu ku kacay, maaddaama dood oo marka horeba abaabulkeeda iyo hagiddeedu ay dhib badan yihiin haddana khilaaf aad loogu jeedo uu meesha ka dhacay.

Waxaan jecleystay markii la gaaray gunaanad, oo ay Samatar soo gaartay, in Saaddiq uu ku marti qaaday, laakiin Professorku uu diiday. Ka dib markii su’aal la weydiiyeyna, Saaddiq hore ugama socone, haddana Samatar ayuu si xushmad leh ugu marti qaaday in uu ka jawaabo. Sidii oo kale ayaa dhacday.

Saaddiq, dib ayuu u dhigtay caradiisa, Barnaamijkana sida ugu wanaagsan ee gunaanadkiisa lagu gaarsiin karay, ayuu ku gaarsiiyay. Taasi waxay khilaafkii dhacay ay u rogtay, mid hadal heyntiisu ay kor u qaaddo daawashada Barnaamijka iyo ka faalleyntiisa oo ay qormadani ka mid tahay.

Yuusuf Garaad Cumar.