Dhinacyada waddada waxaa qotoma tilmaamayaal iyo amaro la siinayo gaadiidka si ay xawaaraha u dhimmaan ama u kordhiyaan, waxaa sidoo kale dhulka oo dhan ku shaqlan dhirta cagaaran oo looga faa`iideysto siyaabo kale oo lagama maarmaan u ah nolosha aadanaha halkaan ku nool. Magaaladan uu socdo waa mid ka balaaran tuulada uu degan yahay, waxaa uu ka doonayaa adeegyo kala duwan,intuu madaxa ruxayay ayuu ka war helay gaarigii oo saacaddiisii ay dhanka eberta si xawli ah ugu sii siqeyso, markiibana Joojiyaha ayuu qabtay, kursigii ayuu isku dhereriyay, neef weyna waa soo afuufay! xoogaa ayuu eeg eegay saacadda shidaalka,waxba kama arkin dheeri ah, waxaa uu damcay inuu kiciyo laakiin wuu u shidmi waayay,lugta ayuu sheelaraha ku cadaadiyay “ isbeddel ma malahan“
Muraayaddii gaariga ayuu dejiyay, waxaa dhegtiisa ku soo dhacay dhawaaqa shimbiraha oo kaliya, albaabkii ayuu iska furay,bannaanka ayuu istaagay,gacmihiisana sibraha ayuu ku qabsaday kadibna intuu dhinacyada fiir fiirshay ayuu intuu ku rogmaday daaqaddii gaariga la soo baxay xabad sigaar ah oo kale, baf ayuu siistay! Waxaa uu ka fikirayaa hadda waxa uu sameyn karo, fatuuradda ayuu gadaal iyo horayba ka eeg eegaya,wuxuu go`aansaday bal inuu hubiyo inta shidaal ugu jirta!! See gojo’ba malahan!! Maxaa talo ah! ayuu is weydiiyay, qeybta dambe ee gaariga ayuu aaday, waxbaa gadaashiisa miriq ku maray!! ma shimbirbaa!! ma dad baa!! isagu waxba ma sharraysan,illowse hoos gudbay wuu arkay!wuxuu u qaatay Haad geed ka duulay hooskiis,, caag tobbanle ah ayuu gadaal kala soo baxay,, waxaa uu doonayaa inuu shidaal magaalada ka soo iibsado.
Markii Uu bilaabay inuu dhaqaaqo ayaa dhegtiisu waxaa ay soo daftay qeylo nuuc kale ah oo ka imaaneysa dhankiisa midig ee qoraxduna u sii liiceyso, dareenka ugu weyn ee ku abuuran waa sidii uu fatuurad kuuseydan u kicin lahaa,,Jidkii ayuu afka saaray, wuxuu maqlayaa codka ka soo baxaya kabaha buudka ah ee uu xiran yahay oo kali ah,,goobtu waa cidlo! gabalkaa sii dumaya, mugdi baa soo cartamaya!, dabeyl yarna waa ay duulduuleysaa oo hugunkeedu waxaa uu luxayaa laamaha geedaha faraha badan ee dhulkaan camiray.
Sidii uu u socday ayuu ka war helay isagoo lugihiisii ay samada aadeen!!! ”yaa dafay!!!waxaa uu ku dhacay god weyn oo laamiga dhiniciisa ahaa,waa god dhowr mitir ah, intii uu sii shalwanaayay ayaa feerahiisa waxaa murxiyay laamo dhaadheer oo godka hareerihiisa si dabiici ah uga soo baxay,,dhiig ayaa ka soo circiraaya, gunta hoose markii uu ku xasilay,waxaa uu shiday taraqii jeebka ugu jiray, waxaa uu arkay Xagatimo waaweyn iyo dhaawacyo soo gaaray. Kor ayuu si quusi ku jitro u eegay, waxaa uu arkay afkii godka oo u muuqday Goobo weyn iyo iftiin yar oo bannaanka ka jira oo la moodo Dayax bari ka soo baxaya…Muxuu sameyn karaa!!! “waxba“ gudcurkii ugu badnaa noloshiisa ayuu la kowsaday!
Taraqa illaa 15 xabbo ayaa ugu jirta, waxaa uu ku fekeray sidii uu uga bixi lahaa godkaan ciriiriga ah,waxaa uu qab qabsaday laamihii isku xirnaa ee godka iyo dibedda ka soo laadlaaday, balse waa ay la soo ruqayaan,mid kale ayuu ku booday markuu dhex sii marayo ayay haddana la soo go`day, waxaa uu ka shalaayay Kabaha waaweyn ee uu wato,waxaa uu is yiri“iska bixi culeyskooda“ haddana waxaa uu niyadda iska yiri“ Sow lagama yaabo inay masas waaweyn ay halkaan ku jiraan“ Haa “ run baad sheegtay “ ayaa dareenkiisa qalbiga ahi ku yiri`.
Waa uu fariistay, labadiisa lugood ayuu soo laabtay dabadeedba isi saartay sidii arday reer qur`aan u aqriyay markii ugu horeysay oo macalinkiisuna wehliyo,sugayana natiijadda ama jawaabta ay bixin doonaan reerka ay martida u yihiin,daqiiqad kadib ayuu gacantiisa midig dhulka dhigay si uu u ogaado xaalka sagxadda Godka,waxaa gacantiisu maquurtay xash tiro beel ah oo dabaqyo la moodo,,waxaa kaloo uu dareemay bohol weyn oo sii qodan,waa mid ka sii balaaran middan,derbigii u dhowaa ayuu dhabarka la aaday,,xoogaa yar kadibna waxaa uu taabtay wax qaboow badan oo jil jileecna ah,kuuska kuuska dhogorta shukumaankana leh, intuu si tartiib ah gacantii u soo ceshtay ayuu taraqii bul ka siiyay, see waa mas weynaaday oo sidii garaangar isku duudduuban oo madoow, madaxana calaamad yar oo cad ku leh.
Waxaa uu dareemayaa mashaqadii adduunka ugu weyneyd,waxaa uu ka shakiyay in mas madoobuhu uu maqlo garaaca wadnihiisa! Kadibna daalac loo soo raacdo,,qoorta iyo garbaha ayuu is gashaday …derbigii carada ahaa ayuu isku sii nabbay! Intuu garka kor u qaaday ayuu eegmo miskiinnimo ah ku fiiriyay Afkii godka..cid ma joogta oo ku caawisa malahan miyaa? Ayuu is weydiiyay ’’ma halkaan ayaad ku dhimman doontaa’’ ayuu ku walaacay,intuu isla hadalkaa ku jiray ayaa shey aad u culus ka yimid Bannaanka, siduu dangararaf u soo lahaa ayuu wejiga uga dhacay kadibna Ciiddii yareyd ee sagxadda ahayd ayaa is raacday oo sii hoobatay…waxaa lagu dhacay God aad u weyn oo mugdi ah, cidina waxba ma aragto, waxaa uu dareemayay maskii iyo halaq kale oo mid weliba jihadii uu rabay ka sii quusaya mugdiga.
Aaway Musigii hadda shidnaa iyo ifafaalihii qurxoonaa ee noloshu lahayd? Waxaa uu shiday taraqii, waxaa uu arkay Santuuq bir ka sameysay oo agtiisa yaala, waxaa kale uu arkay albaab hortiisa ah, waa albaab ka sameysan Biro xaddiid ah oo waaweyn oo is dhaaf dhaafsan, waxaa ka muuqda daxal iyo habbaas baahsan! Santuuqa halkaan yaala, waxaa dulsaaran oo guri ka dhigtay Caarocaaro, Buulka Caaradu waxaa uu tixan yahay illaa saqafka sare ee guriga oo ay ka soo laadlaadaan Feynuusyo dhowr ah oo waa hore dunnida laga isticmaali jiray. Waxaa se xusid mudan in Faraanti saaran yahay Sanduuqa dushiisa.
Waxaa uu kor u qaadayaa Gaanjadii santuuqa, culeys badanaa ayuu is yiri…Waxaa uu dareemay qoyaan ka soo dareeraya wejigiisa, gacanta ayuu hal haleel isaga mariyay,waa wax ka duwan roob, markaas buu uriyay’’alla ur weynaa’’ ayuu iskula hadlay, Mirihii taraqa laftoodii oo ka sii idlaanaya,ayuu shidayaa xabadihii ugu dambeeyay,waxaa uu arkay in waxani yihiin Dhiig!!!, waxaa uu milicsaday wixii la soo tuuray oo santuuqa ag yaala’’ alla hayaay!!! Waa lug Bini’aadan!!! Waa lug Qof Dumar ah!!!! Ma qabri ayaan hoos galay??? Seddax mir oo taraq ah ayaa u hartay waqtigaan, mid ka mid ah ayuu shiday si uu u hubiyo waxa dhex daadsan santuuqan culus, waxaa uu arkay qalfoof bini’aadam oo saf saf loo habeeyay, waa madaxyo isku wada eg ood mooddo inay wada dhasheen misna wada qoslaya, laf dhabartii, lugo iyo gacmo wadajira ayaa yaala meesha, illeyn bini’aadanku waxaa uu ku kala duwan oo lagu gartaa waa hilibka saaran ee haddii uu dubku dhaco waa isku nooc!!!
Cabsidii adduunka ayaa soo food saartay,waxaa uu gacanta ku baadi goobayaa maro ama shey uu shito si mirta ugu danbeysa ee Taraqa ay ugu badbaaddo…Waxaa uu helay maro miitmiidantay oo bus isku beddeshay kadibna iyadii ayuu daartay,,,wax badan oo halkaan uga qarsanaa ayuu isha la sii raacay, waa maxay adduun nuucaan ah? Ayuu iskula hadlay….islamarkii waxaa uu maqlay cod uga imaanaya xaga albaabkii, ma ahan cod la garan karo…waxaa uu bilaabay inuu demiyo dabkii yaraa ee u baxayay si aan loo garan!!! Hadda jawigu waa Mugdi, qeyladii iyo socodkii uu dareemayna sooma socdaan.
Xagga u gurguuro oo miis madaxa qac ku sii, soo laabo oo halkaada fadhi ayuu ku jiraa,waxaa kellida ka haya,wax la moodo daboolka kore ee Miis yar oo loogu tala galay in kaffeega iyo shaaha lagu cabo balse gaboow dartii kala daatay, sidaas ayay isaga la tahay. Xoogaa ka bacdi ayuu bilaabay in labadiisa gacmood uu si wadajir ah dhulka ugu cuskado si uu hal tilaabo meel u jirta ugu ribto, shanqarta ayuu iska ilaalinayaa,iyadoo hawada uu ka nuugayo naqaska huursan. Urta silloon ee goobtan ka jirta waxaa ay ka gudubtay sankiisii dheeraa, iyadoo u sii socota dareenka carabkiisii qalaleylka ahaa.
Muuqaalkii ugu danbeeyay markii uu iftiinka iska deminayay waxaa ka mid ahaa: alaab isku xir xiran oo jawaanno ah oo dhowr tillaabo u jirta,taasoo dhankiisa midig is dul rasteysan, dhankaas waxaa ka yeeraya dhawaaqa iyo orod ka baxaya Dooliyaal badan,iyagu waxaa ay ku jiraan xaalad ka duwan tiisa, waxaa laga yaabaa inay yihiin reer waagu u beryay oo u diyaar garoobaya nolol maalmeedkoodii caadiga ahaa,, waxaa laga yaabaa in jiiq jiiqda Dooliga ee uu hadda maqlayo ay tahay ’’ maammadii dooliyaasha oo u yeereysa kan ugu yar ilmaheeda si ay raashin u siiso kadibna intay u lebisto, dhahaysa’’ Hooyo xaafadaha hoose ha aadin ee gododkaan aan codkaada ka maqli karo iigu dheel dheel’’ isna uu leeyahay ’’haye, maamo,taas igu halleey, iyadoo laga yaabo inuu rabo xaafad dheer oo ay joogaan saaxiibadiis.
Waxay ila tahay in waannada iyo wax isku sheeggu uusan ku koobneyn bini’aadanka oo kali ah, balse uu jiro dareen ku abuuran noolaha oo idil, kaasoo qeyb weyn ka qaata baraaraha hab nololeedkooda.Waxaan hubbaa in noole ka simman yahay xanuunka tiiraanyada geerida iyo dareenka baahida iyo quud raadsiga,mana jiraan waqtiyo u gaar ah raacdada nolosha, waa sidii tareen xiimaya oo qofiba meel ka saaran yahay xilliyo kala duwan. Qaar baa boholuhu u yihiin qasriyo lagu nasto, qaar baa meel aan u dheereyn abaaro lagu salliday la amakaagsan, isla deegaano kaabiga isku hayana loogu nool yahay ayaa siyaabo aad u kala geddisan. Badar iyo barwaaqo iyo baas iyo harraad ayaa caado dureerta u ah dunnida.
Si aan ahayn deg deg ayaa albaabkii loo soo furayaa,qaf qaftiisa ayaa baxaysa, sida albaabkaan loo furayo u ekaa, ’’dhuumaleysi iyo tuugannimo’’ ayuu is leeyahay, waxaa uu u toog hayaa, waxa xigaya, aragtida indhihiisa ayuu feejignaan geliyay,derbigii ayuu ku sii taxoobsaday! Waxaa soo galay qof hadlaya oo carabkiisuna aad u culus yahay ,albaabka agtiisa ayuu wax ka haabhaabtay ’’Ah ah, hAaa’’ intuu yiri,, ayuu feynuus aan iftiin badan lahayn daaray, Siddada ayuu qabsaday, dhinacaas iyo dhinacaas kale ayuu wada fiirshay, markaas buu,,miciyo dhaadheer intuu kor u taagay qoslay’’oOohahha,Aaahha’’ lugta bidix ayuu jiidayaa, waa oday waayeel ah oo timuhu caddaadeen,waxaad mooddaa in wejiga looga daadinayay Deeb’’dambas’’ Feynuustii ayuu ka soo laadlaadiyay musbaar derbiga laga soo galo u dhow,,’’HaAautsh’’ ayuu yiri,, Xoogaa yar kadib ayaa albaabkii la soo riixay, waa gabar dhalinyaro ah oo kabo buud ah wadata, taasoo jiideysa boorsooyin seddax ah oo mid yari ka mid tahay,,duqii ayaa caawiyay oo albaabka si fiican ugu balaqay kadibna hoosta ayaa qartatab laga siiyay,,,Duqii ayaa feynuustii Soo qaaday kadibna waxaa bilaabatay in boorsooyinkiii la fiiriyo! Maxaa ku jira ayay kula tahay!! Waxaa markii ugu horeysayba ka soo muuqday boorsooyinkii waaweynaa lugo dadeed iyo madax, tin dheer oo yaleex leh, waa tin madoow oo dhiiggii ku daadatay uu ku qalalay, waxaa kaloo ku jira dhar isna dhiiggii ku qalalay iyo shaash ’’Safaleeti’’ madaxa dumarku saartaan oo carrun leh!!! Miiska yar hoostiisa oo ay taaley boorsadii yareyd intay miiska saartey ayay si hamuumi ku jirto u furtay gabadhu, waxaad mooddaa, ruux fitimmiin C-gu ka maqan yahay oo liin la tusay,,dhareer ayaa ka soo daadanaya bushimaheeda engegan ee qolfuhu saaran yihiin,, ’’Waa ilmo yar oo malaha ku noolaa caloosha haweeneyda xubnaheedii la kala waaxay’’ ayuu ku fekeray,madaxa ayay isla ruxeen labadoodii,waxa ay la noqotay in gabadhu ay tahay dhagool waayo illaa hadda madaxa iyo gacmaha ayay ku wada hadlayaan, mise waa qaab ka mida habka noloshooda ay u dhisan tahay? Bal adba!
Duqii ayaa aaday dhankii jawaanadu ay ku rasteysnaayeen,laba jawaan dhexooda ayuu ka soo siibtay Baangad madoobaatay, waxaa uu rabaa inuu ku jarjaro xubnahan halkan yaala,balse waa uu hinqaday! Jug weyn ayaa yeertay! Oo maxaa dhacay? Fanniin iyo carro ayaa dhankii albaabka ka soo duushay!!! Dabadeedna uuro ayaa kacday,indhihii ayaa duugmay! Gacantiisa midig ayuu la aaday oo deg deg u iskaga jafay! Cod dhiirran baa la maqlay! Waa kuma! Waa kuwee!!!Iftiin baa soo galay!!!Banaankana ileys la moodo hilaac ayaa wililig leh! Hoon baabuur ayaa dhowr goor yeeray! Gurigii ayaa maalin cad noqday! Rag isku dhar xiran oo hubeysan ayaa soo galay! Indhaha ayaa u xiran oo lama aqoonsan karo wejiyadooda,,waxaa se Shafka ugu qoran ’’ Booliiska Soomaaliya’’ Tooshash iftiin badan soo butaacaya ayay wejiyada uga qabteen’’ ha is dhaqaajinina ’’ ayay amar ku bixiyeen…waxay markiiba la boodeen Odaygii iyo Gabadhii, cududaha ayay ka qabteen…Gabadhu waa ay is waaleysaa balse way hantaataqiyeen dabadeedna Katiinad ayay laba dible ugu xireen!!!Dan looma gelin lugtii uu odaygu ka dhutinaayay ama dhaawacaba ka ahayd, waa kaas lagu qasbay inuu si xayyi ah u socdo… Mid ka mid ah raggii ayaa yiri’’ Meydadka ha la soo aruursho degdeg! Taliye halkaan waxaa yaala qof dumar ah iyo ilmo sabbi ah oo qura!mid ka mida askartii ayaa ku hadaaqay! Taliyihii ayaa sheegay in la baaro dhammaan santuuqyada halkaan yaala!Taliyuhu waa nin dheer oo laba lafood ah, Waxaa kaloo uu yiri’’ Ma aragtaan meydka wadihii fatuuradda Gadaal laamiga ah taala’?’ Waxaa uu la soo booday’’ Waa i kannaa weli waa noolahay iyo oohin’’…’’WABBAA’’ Waad i badbaadiseen ayuu ku cataabay, dabadeedna intay garbaha qabteen ayay u yeereen baabuurka gargaarka degdegga ah,Waxaa albaabka soo galay labo qof oo dumar ah oo ku lebisan dhar cad cad, (Waa kalkaalisooyinkii caafimaadka)markii uu fuulay gaadiidka deg degga ahaa, ayaa darawalkii ambulaastu waxaa uu taabtay badhan hortiisa ah, kadibna waxaa uu maqlay cod dheer oo baabuurta kale looga digayo in ay seed bixiyaan… oo ay wada banneeyaan jidka! Waxaa uu jiifaa sariirtii ambulaasta, waxaana gacanta bidix looga duray faleebo…Madaxiisa ayuu wax yar kor u soo qaaday, waxaa uu arkay baabuur fara badan oo yar yar oo soo daba socota iyo baabur weyn oo soo xambaaray fattuurad kuuseydiisii oo uu yaqaano…Niyadda ayuu ka farxay,madaxiisiina waa uu soo celiyay,si caadi ah ayuu iskugu kala bixiyay sariirtii dhuubneyd,waxaa uu milicsaday kalkaaliso la soo baxaysa faashad nadiif ah oo wejiga uga tirtireysa,,iyo mid kaloo koob ku shubeysa biyo nadiif ah oo qaboow si ay afkiisa ugu qabato,waxayna wadataa koofiyad calanka buluuga ah ee Soomaaliya,,,isagoo cabsi ka madax bannaan ayuu sii seexanayaa hadda.
Sheekadaaan waxaan u hibeeyay Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed kuwaasoo maalin iyo habeenba u taagan badbaadada shacabkooda dhibaateysan.
W/Q Hassan Ali Dhaaley
Dhammaad

